Walaac laga muujiyey ciidamo Masaari ah oo la sheegay in la keenayo Soomaaliya.

Sunday October 25, 2026 - 17:29:52
MeMO Staff
Wargeyska Kenya ee The EastAfrican ayaa maanta baahiyey warbixin uu kaga hadlay qorshaha Masar ee ciidamada ay doonayso inay Soomaaliya u dirto, aamusnaanta Midowga Afrika iyo walaaca laga qabo in loollanka Masar iyo Itoobiya uu saameeyo amniga Soomaaliya.
Sida wargeysku uu sheegay, Masar ayaa qorshaynaysa inay ciidamo u dirto Soomaaliya iyadoo ku salaynaysa heshiis laba geesood ah oo ay la gashay Villa Soomaaliya, ka hor inta aysan ku biirin ku dhowaad 1,000 askari hawl-galka AUSSOM.

Arrintan ayay warbixintu tilmaantay in ay imanayso iyadoo Midowga Afrika aanu weli caddayn sida ciidamada Masar iyo kuwa kale ee ku jira hawl-galka Midowga Afrika ay u wada shaqayn doonaan.

Aamusnaanta Midowga Afrika ayaa iyaduna kusoo aadaysa xilli AUSSOM ay wajahayso caqabado dhaqaale iyo kuwo hawlgal, halka Masar iyo Itoobiya uu ka dhexeeyo loollan istaraatiiji ah oo la xiriira biyaha Webiga Niil.

Qaahira weli ma shaacin tirada guud ee ciidamada ay qorshaynayso inay Soomaaliya geyso. Hase yeeshee, ilo xog-ogaal u ah qorshaha ayaa wargeyska u sheegay in cutubka ugu horreeya uu noqon doono ciidan dagaal oo le'eg guuto.

Wararka la helayo waxay sheegayaan in Masar ay doonayso inay xarun talis oo xeeladaysan ka samaysato meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Cisiley ee gobolka Shabeellaha dhexe. Deegaankaas waxaa hadda jooga ciidamada Burundi.

Masar ayaa marka hore ciidamadeeda ku keeni doonta heshiiska iskaashiga milatari ee laba-geesoodka ah ee ay la saxiixatay Gurguurte. Marka oggolaanshaha loo baahan yahay la helo, ayay ku dhowaad 1,000 askari ku wareejin doontaa AUSSOM. Ciidamada kale waxaa laga yaabaa in la geeyo meelo kale, haddii dowladda Soomaaliya sidaas codsato.

Qorshahani wuxuu dhalinayaa su'aal muhiim ah oo wargeysku is-weydiiyey: sidee ayay ciidamada Masar, oo marka hore ku shaqaynaya nidaam talis oo ka duwan kan hawlgalka Midowga Afrika, ula jaanqaadi doonaan AUSSOM iyo ciidamada dalalka kale ee shisheeye ee Soomaaliya jooga?

The EastAfrican ayaa sheegtay inaysan jawaab degdeg ah ka helin waaxda Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika. Sidoo kale, codsiyo faallo ah oo loo diray ciidamada qalabka sida ee Masar iyo wasaaradda gaashaandhigga dalkaas ayaan jawaab laga helin.

Afhayeenka AUSSOM, Irchad Housseine Djoubeiri, ayaa sheegay in aanu hawlgalku faallo ka bixin karin qorshaha Masar, isaga oo su’aalaha arrintaas la xiriira codsay in la waydiiyo xarunta Midowga Afrika ama kooxda Villa Soomaaliya.

Masar waxaa bishii Diseembar 2024 loo qoondeeyey inay AUSSOM ku biiriso 1,090 askari, balse ilaa hadda oo ku dhow laba sano wax ciidan ah oo Soomaaliya ay geysay ma jiro. Dhaqaale la'aanta ayaa lagu tilmaamay caqabadda ugu weyn ee dib u dhigtay ka-qaybgalkeeda.

Qorshaha Masar ee ah inay ciidamadeeda ku keento Soomaaliya heshiis laba-geesood ah, ka hor inta aan si rasmi ah loogu darin AUSSOM, ayaa keenaya su’aalo ku saabsan cidda maamuli doonta ciidamada, sida saadka loo siin doono iyo sida ay ula shaqayn doonaan ciidamada AUSSOM.

Sida xogta uu wargeysku helay tilmaamayso, Burundi oo ciidamadeedu hadda ka hawlgalaan Shabeellaha Dhexe, waxay u muuqataa inaan si rasmi ah loogu wargelin qorshaha la xiriira imaatinka ciidamada Masar.

Ciidamada Burundi waxay weli ku shaqaynayaan nidaamka taageerada saadka ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), kaas oo taageerada saadka siiya hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Janaraal Roger Ndayibasa, afhayeenka ciidamada Burundi ee Soomaaliya, ayaa su'aal geliyey wararka sheegaya in ciidamada Masar ay imanayaan. Wuxuu ku adkaystay in Burundi ay weli ka go'an tahay nidaamka hawlgalka ee hadda jira.

Wuxuu yiri: "Ciidanka Difaaca Qaranka Burundi wuxuu ku shaqaynayaa barnaamijka UNSOS, mana ka hoos shaqayn doono iskaashi laba-geesood ah. Waxaan diyaar u nahay inaan baxno marka aan helno ciidan booskayaga buuxiya.”

Hadalkan ayuu wargeysku xusay in uu muujinayo khatarta ka dhalan karta kala-guur aan si wanaagsan loo qorshayn. Ciidamada Masar ayaa iman kara deegaan ay horeu uga hawlgalayeen ciidamada Burundi, iyadoo aan si cad loo shaacin habka xil-wareejinta ama sida loo kala qaybsanayo masuuliyadaha.

Ciidamada Masar ayaa la qorshaynayaa in la geeyo Soomaaliya iyadoo la raacayo heshiis iskaashi milatari oo labada dal kala saxiixdeen sannadkii 2024. Horaantii bishan, wargeyska The New Arab ayaa sheegay in kooxo farsamo iyo milatari oo Masaarida ah, oo ay ku jiraan la-taliyeyaal, tababarayaal iyo khubaro saadka ah, ay Soomaaliya u aadeen hawlo sahamin ah.

Partha Moman, oo ah falanqeeye arrimaha Geeska Afrika, kana diyaarinaya shahaadada PhD jaamacadda LSE ee London, ayaa sheegay in qorshaha Masar ee ay ciidamada ugu dirayso Soomaaliya uu xiriir la leeyahay loollanka kala dhexeeya Itoobiya.

Labada dal ayaa muddo dheer isku khilaafsanaa Biyo-xireenka Weyn ee Al-Nahda. Itoobiya waxay u aragtaa mashruuc muhiim u ah himilooyinkeeda horumarineed, halka Masar ay u aragto khatar ku wajahan amnigeeda biyaha.

Loollanka labada dal wuxuu sidoo kale ku fiday Badda Cas, halkaas oo damaca Itoobiya ee ay ku doonayso marin ay badda ku gaarto uu sii kordhiyey xasaasiyadda gobolka.

Falanqeeyayaal kale oo ku takhasusay amniga Geeska Afrika ayaa ka digaya khatarta sare ee dagaal-wakaaladeedyada, oo ay ku jiri karaan iska horimaad toos ah iyo cawaaqib ka dhasha hubka loo soo daad-guraynayo Soomaaliya.

Sida uu wargeysku carabaabay, aamusnaanta Midowga Afrika ayaa si gaar ah u muuqata marka la eego dhibaatooyinka dhaqaale ee AUSSOM haysata iyo hubanti la'aanta ku saabsan mustaqbalka UNSOS, oo hawlgalka siisa taageerada saadka.

Moman wuxuu sheegay in xaaladda dhaqaale ee hawlgalka ay sii adkaan karto haddii UNSOS ay joojiso hawlaheeda marka taageerada Maraykanku dhammaadka sannadkan istaagto.

"Saraakiisha Masar waxay mar walba sheegi jireen in maalgelintu tahay caqabadda ugu weyn. Go'aanka UNSOS kaddibna, xaaladdu intaas way ka sii xumaatay.” Ayuu yiri Moman.

Dhaqaale-xumida ayaa adkayn karta in ciidamo badan oo Masaarida ah lagu daro hawlgalka, gaar ahaan haddii ciidamada ku imanaya heshiiska labada dal ay u baahdaan saad iyo talis u gaar ah.

The EastAfrica wuxuu hoosta ka xariiqay, in dhabar-jab hor leh uu ku iman doono Villa Soomaaliya, haddii ciidamada ku imanaya heshiisyada kala duwan ay abuuraan jahawareer ku saabsan cidda awoodda u leh inay amarto hawlgallada, ama haddii dhulka Soomaaliya lagu dhex jiido iska horimaad ballaaran oo gobolka ka dhaca.

"Caqabadda degdegga ah ee Midowga Afrika hortaalla waa inuu caddeeyo sida ciidamada Masar ee ku imanaya heshiiska laba geesoodka ahi ula shaqayn doonaan AUSSOM, nidaamka taliska ee lagu maamulayo kala-guurka iyo saamaynta ay tani ku yeelanayso ciidamada dalalka kale ee hadda jooga Soomaaliya.” Ayuu yiri wargeysku.

Haddii aan arrimahaas jawaabo cad laga helin, sida uu qoray wargeysku, joogitaanka ciidamada Masar wuxuu sii kordhin karaa saamaynta loollanka juqraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika ku leeyahay xaaladda Soomaaliya.

FG: WARARKA DEG-DEGGA AH: TELEGRAM, FACEBOOK, X/TWITTER, SUBSTACK, SIGNAL & CHIRPWIRE.

Related Items

Update cookies preferences